Halyeeyga reer Brazil Luiz Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuusan hubin guul ay caawa Selecao ka gaarto xulka Colombia xili labada xul ay isku wajahi doonan Fortaleza kulan ka tirsan Quater Finalka Koobka Aduunka.
Xulka Brazil ayaa u baahan guul si ay ugu dhawaadaan koobkoodii 6-aad ee Aduun madama ay shan jeer horay u qaadeen waxase caawa hor taagan cudud adag madama macalin Jose Pekerman wiilashiisa ay yihiin kuwo wacdaro kasoo dhigay kulamadii ka horeeyay.
Luiz Ronaldo oo lugtiisa ugu qaaday Brazil koobkii Aduunka ee 2002 lagu qabtay cariga Assia wadamada Japan iyo Korea ayaa rajeynaya iney xulkiisa caawa usoo baxaan Semi Finalka Koobkaan balse wuxuu rajo xun ka muujiyay in Colombia laga awood roonaado.
“Brazil waxey la kulantay xaalado xanuun ah marka la eego kulankii Chile, balse Colombia waxey ku socdaan wado cad oo si fiican ayey u ciyaareen waxeyna wataan James Rodriguez” Ayuu Ronaldo u sheegay warbaahinta.
“Waa wiil qaas ah, dabcan waxaan rajeynayaa inuu guuleysan doono, waxaan heystaa qadar cadaalad ah oo kalsooni ku dheehan tahay, balse ma hubo”
Sidoo kale Ronaldo ayaa amaanay qaab ciyaareedka Neymar JR ee koobka Aduunka xili 22-jirkaan Barcelona ka tirsan uu yahay garabka kaliya ee ay ku duulan Brazil.
Profile