Home » Horyaalada » La liga » Ronaldo Oo Markale Messi Garaacay Madaama Uu Noqday Xidiga Ugu Suug Geynta Balaaran Calaamka! Iyo 10-ka Xidig Safka Hore Soo Galeen

Ronaldo Oo Markale Messi Garaacay Madaama Uu Noqday Xidiga Ugu Suug Geynta Balaaran Calaamka! Iyo 10-ka Xidig Safka Hore Soo Galeen


CR beats Messi

Cristiano Ronald kaliya sanadkan Lionel Messi iskooradiisa ma uusan jebin sidoo kalena abaal marinta laacibka aduunka kama qaadanin balse waxaa itaa sii dheer in haatan daaha laga rogay warbixin xasaasi ah oo sheegeyso xidigahaa aduunk ugu suuq geynta balaaran waxaana safkaan kaalinta 1-aad ka galay Cristiano Ronaldo oo loo aqoonsaday inuu kubada cagta ka yahay atooraha kowaad ee xayeysiinta aan lgu gaari karin wuxuuna meel cidlo ah kaga tagay Lionel Messi oo kaalinta 2-aad soo galay, quburada u kuur galaan isbadalka dhanka suuq geynta caalamka “Repucom” ayaa xogtan soo bandhigeen , waxaana la sheegay in 84% dadka dunida ku nool ay ku baraarugsan yihiin dhaq dhaqaaqa Ronaldo taasi oo ka dhigan in sanadkii 2013 xidigan uu suug geeyay sidoo kalena la iibsaday funaanado sare u dhaafayo1-milyan!

Adidas or Nike: Who’s winning the World Cup brand war?

Lionel Messi oo kaalina 2-aad ku jiro isagana waxaa la sheegay in 76% dadka dunida ku nool ay ka warqabaan dhaq dhaqaasiisa dhanka xayeysiinta waxaana hoos u dhigay awoodiisa dhanka suuq geynta hoos u dhaca soo wajahay xili cayaareedkan kooxdiisa Barcelona, sidoo kale marka ay timaado shacbiyada ay labadan xidig ku leeyihiin alaadaha bulshada adeegsato Cristiano Ronaldo ayaa ku gacan sareeyo madaama 82-milyan oo saaxiibo uu Facebook ku leeyahay halka Messi uu isagana ku leeyahay 57-milyan oo saaxiibo ah! waxaa kala naga xasuusin ah Gerard Pique uu kaalinta 3-aad oo galay sidoo kalena uu noqday cayaaryahanka 3-aad ee caalamka ugu suuq geynta balaaran halka 4-aad uu ku jiro Fernando Torres inkastoo xidigan hoos u dhac heesto hadana xayeysiinta iyo sida looga warqabo hareeraha dunida kuma liito!

Guud ahaan hoos kaga bogo 10-ka cayaaryahan ee ugu awood badan marka ay timaado xayeysiinta iyo suuq geynta maaliyadaha iyo qalabka Sports ee kala duwan:

Cayaaryahan Dunida sida loogala socdo Saaxiibada Facebook iyo Twitter-ka
Cristiano Ronaldo 84% 82-m Facebook, 26-m Twitter-ka
Lionel Messi 76% 57-m Facebook, 2-m Twitter-ka
Gerard Pique 58% 12-m Facebook, 8-m Twitter-ka
Fernando Torres 59% 3-m Facebook, 2-m Twitter-ka
Wayne Rooney 56% 20-m Facebook, 9-m Twitter-ka
Andreas Iniesta 53% 20-m Facebook, 9-m Twitter-ka
Neymar Jr. 53% 22-m Facebook, 11-m Twitter-ka
Iker Casillas 49% 18m-Facebook, 1-m Twitter-ka
Zlatan Ibrahimovic 55% 15-m Facebook, 1-m Twitter-ka
Theiry Henry 51% 16-m Facebook, 300,000 Twitter-ka

Shirkada Nike ayaa liiska ugu badan ku leh 10-ka cayaaryahan ee aduunka ugu suuq geynta balaaran waxayna kala yihiin xidigaha Nike heshiiska kula jiraan: Ronaldo, Pique, Rooney, Iniesta, Neymar, Ibrahimovic.

Halka shirkad Adidas ay iyadana ku leedahay liiskan xidigaha kala ah: Messi, Torres, Casillas

Sidoo kale shirkada Puma waxay ku leedahay: Henry.

F.G: Quburada “Repucom” ayaa daraasadan ka sameesay in ka badan 13-dal suuqyadooda ugu caansan waxayna daraasadan ka sameesay dalalka kala ah: Argentina, Brazil, China, France, Germany, India, Italy, Mexico, Russia, Spain, Turkey, UK iyo USA waxayna wareesteen 1.5-billion dad ah sidaas ayaa xogtaan lagu soo saaray!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close