Cristiano Ronaldo ayaa ku adkeystay inuu diyaar u yahay kulanka adag ee caawa dhex mari doono Wadamada Germany iyo Portugal uuna xanuun yar ka dareemayo Jilibka inkastoo uu ku adkeystay inuu 100% Diyaar u yahay Kulankaan.
Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Ronaldo ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay subax kasta laga soo sheegayey dhibaato kusoo kordheyso dhaawiciisa, Laakiin markii ugu darneyd waxay aheyd markii sixirow u dhashay Wadanka Ghana Uu Ku faanay inuu isaga sixray uuna seegi doono Koobka Adduunka.
Si kastaba, Ronaldo ayaa sheegay inuu safan doono kulanka adag ee caawa xulkiisa Portugal la yeelan doonaan wadanka aan xabad yar rideen ee Germany.
” Dhaawac iyo Dhibaato Way Dhamadeen” sidaas ayuu u sheegay warfidiyeenada kadib markii uu soo dhamaaday tababarkii ay ku qaateen Arena Fonte Nova
” Ilaa Markii aan bilaabay xirfadeedo Shaqo Ma jirto Hal Maalin Oo Aan Xanuun la’aan cayaaray, tanina waxay kamid tahay culeyska Shaqadeeda”
” Sida Caadiga ah, Waxaan markasta Jecelahay Inaa 110% Diyaar ahaado, Laakiin Caawa 100% ayaan diyaar ahay waxaana rajeenayaa inaan Wadankeyga Caawin Doono” ayuu hadalkiisa kusoo ekeeyey.