Home » Horyaalada » La liga » Ronaldo, Bale Iyo Benzema Oo Shabaqa Taabteen Xili Ay Madrid Cagta Marisay kooxda Real Betis

Ronaldo, Bale Iyo Benzema Oo Shabaqa Taabteen Xili Ay Madrid Cagta Marisay kooxda Real Betis


Real Madrid

 Sidii la filaayay kooxda Real Madrid ayaa cagta marisay naadiga Real Betis oo haatan ah kooxda ugu hooseyso La Ligaha Spain, kulankii ugu horeeyay wareega 2-aad ee horyaalka Spain Real Madrid ayaa guul ku bilaawday kadib markii ay 5-0 cagta ku marisay naadiga Real Betis waxaana xusid mudan in xidigaha Madrid weerarka uga cayaaraan dhamaantood ay goolal dhaliyeen kulankan xiisaha badan.

CRISTIANO RONALDO LEO BAPTISTAO LIGA BBVA 01182014

Cristiano Ronaldo ayaa gool ku daah furay kulankan daqiiqadii 10-aad kadib Grathe Bale ayaa cayaarta 2-0 ka dhigay daqiiqadii 25-aad Karem Benzema ayaa isna diiday inuu gool la’aan baxo wuxuuna cayaarta ka dhigay 3-0 qaybtii horena Madrid oo hogaanka 3-gool oo nadiif ah ku heyso ayaa lagu kala nastay markii la isku soo laabtay Ángel Di María ayaa cayaarta ka dhigay 4-0 daqiiqadii 62-aad macalin Ancelotti oo guushan muhiimka ah jeebka ku ritay ayaa goolka 5-aad ee Madrid kaga mahad celiyay wiilka dhalinta yar Alvaro Morata oo gaba gabadii kulankan 5-0 cayaarta ka dhigay waxayna kusoo idlaatay cayaarta Madrid oo dhibacaha ku ridatay jeebka.

Guushan ayaa ka dhigan in Real Madrid haatan ay hogaanka la wadaagto kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid madaama labadan naadi aysan cayaarin Madrid ayaa si ku meel gaar ah hogaanka horyaalka Spain wax kasii heyn doonto.


Waxaa Aqrisay: (136)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>