Home » Europe » Europe League » Ronaldinho Oo Weeraray CR: Dhibaatada Heysata Ayaa Ah Inuu Kusoo Aaday Xiliga Lionel Messi

Ronaldinho Oo Weeraray CR: Dhibaatada Heysata Ayaa Ah Inuu Kusoo Aaday Xiliga Lionel Messi



Halyeeygii hore Kooxda Barcelona ayaa aaminsan in C. Ronaldo uu yahay wiil nasiib daran madama uu kusoo aaday xiliga Xirfadlaha Barcelona Lionel Messi sidoo kalana Neymar uu noqon doono xidiga Aduunka marka uu tabar dhigo Xidiga reer Argentina.

Ronaldinho oo ah shaqsi aad u jecel Lionel Messi kana mid ahaa xidighii soo saaray ayaa sheegay inuu yahay wiil mucjiso ah isla markaana uu yahay xidiga ugu wanaagsan dunida waqtigaan la joogo.

Hadalka kasoo yeeray Ronaldinho ayaa kusoo aaday xili Ronaldo lagu garaacay abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan Horyaalka La Liga xili ciyaaredkii hore inkastoo abaalmarin uu helay ka duwan taa.

“Ronaldo waa ku dhib inuu kusoo aaday xiliga Lionel Messi” ayuu Ronaldinho u sheegay  TV-ga Amigos!

Ronaldinho ayaa sidoo kale ka hadlay Hadii Neymar uu noqon doono xidiga aduunka isagoo sheegay inuu Neymar noqon doono xidiga aduunka mustaqbalka dhaw wuxuuna intaas ku daray in marka uu Lionel Messi howl gabo ay noqon doonto arintaas.

Sidoo kale Ronaldinho ayaa yiri: “Messi ayaa Neymar ka caawin doona inuu ku guuleysto abaalmarinta sidii aan isaga u caawiyay oo kale”

Ugu dambeyntii Ronaldinho ayaa ka hadlay koobka kooxaha aduunka oo ay la ciyaari doonaan Bayern Munich kooxo ay ka mid tahay, “Waan ku faraxsanahay inaan ka hor imaado Bayern anigoo da’ ah”

“Pep Waa Macalin wanaagsan oo yaqaana xirfada wiilasha reer Brazil, xidigo badan ayuu Barcelona ku tababaray sidoo kale aqbaarad wuu ka heystaa iyo muuqaalo”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close