Manchester United ayaa u jirsatay 48-saacadood iney la saxiixato Ronaldinho sanadii 2003 balse sida uu shaaciyay xidigaan reer Brazil hal shaqsi ayaa ka hor istaagay inuu ku biiro kooxda United.
Xidigaan reer Brazil ayaa heshiis la gaaray Manchester United isagoo ku sugan kooxda Paris Saint Germain waxaana afduubtay Sandro Rossell.
Ronaldinho ayaa ka hadlay saaxiibtinimada kala dhaxeysa Sandro Rossell oo xiligaas ku hungoobay inuu madaxweyne u noqdo kooxda Barcelona Juan Laporta ayaana kaga guuleystay balse 48-saac isagoo ay kaga dhiman tahay kooxda United inuu ku biiro ayuu Barcelona usoo guuriyay.
“Wax walba waxey u dhamaadeen dhanka Manchester United”
“Waxa ka dhimanaa oo kaliya 48-saacadood, balse Sandro Rosell ayaa i sheegay intaanan u guurin United inuu i doonayo wuxuuna igu yiri, “Hadii aan ahaan lahaa madaxweynaha Barca miyaad ii imaan laheyd? Waxaan ku iri : “Haa”
“Sandro Rosell ayaa ii shegay inuu ka qeyb gali doono doorashada madaxtinimo ee Barcelona isagoo rajeynaya inuu noqdo madaxweynaha kooxda sidaas darteed ayaana ku diiday ku biiritaanka Man United anigoo durba usoo guuray Camp Nou”
“Waxaan kula balamay inaan kasoo guuro koxda reer Ingiriis oo aan usoo guuro Magaalada Barcelona” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray mucjisadii reer Brazil Ronaldinho oo waqti qaali ah kusoo qaatay Camp Nou
Profile