Weeraryahanka awooda badan Romelu Lukaku ayaa meesha ka saaray inuusan mustaqbal ku laheyn kooxdiisa Chelsea wuxuuna aaminsan yahay xidigan dhalinta yar hadii fursad labaad la siiyo inuu boos joogto ah ka qal qaalsan karo garoonka Stamford Bridge wuxuuna yiri “aadbay u fiicnaan laheed inaan mar labaad fursad ka helo kooxdeyda Chelsea waxaana hubaa inaan weli mustaqbal ku leeyahay garoonka Stamford Bridge waayo wax walbo ayaa isbadali karaan mana ahan suurta gal inaan rajo xumo muujiyo”.
Xidigan ka tirsan xulka Belgium lana filaayo inuu koobka aduunka wacdaro ka dhigo ayaa labadii sano ee ugu dambeesay kooxdiisa Chelsea amaah kala duwan ku siisay kooxaha West Brom iyo Everton.
Romelu Lukaku heshiiska uu Chelsea kula joogo waxaa uga harsan 2-sano sidaa darteed xidigan ayaa sheegay inuusan mustaqbalkiisa cayaareed kasii hor dhici doonin wuxuuna yiri
“lama joogo xiligii aan ka jawaabi lahaa inaan Chelsea isaga tagi doono hadana koobka aduunka marka aan kasoo laabto ayaan go’aan qaadan doonaa balse igama xirno albaabada Blues waxaana ku qancin doonaa macalin Jose Mourinho inaan lasii joogo naadiga ugu wanaagsan dalka England”
Ugu dambeyntii Romelu Lukaku ayaa sheegay in haatan uu ku jiro xiligisii ugu wanaagsanaa sidoo kalena uusan wax cabsi ah qabin wuxuuna xidigan dhalinta yar sheegay inuu xili cayaareedka dambe si joogto ah garoomada uga muuqan doon ama Chelsea ha joogo ama naadi kale haku biiro!