Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abromavic ayaa diyaar u ah inuu niyada ka jebiyo kooxaha Liverpool iyo Man United madaama uu masuulkan hormar wanaagsan ka sameeyay sidii uu garoonka Stamford Bridge ku keeni lahaa xidiga reer Ukraine Andriy Yarmolenko, laacibkan tayada wanaagsan kana weerargalo garabka bidix ee khadka dhexe ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Premiership-ka England wuxuuna maal mihii ugu dameeyay ku fikiraayay inuu kala doorto dalabka ay usoo gudbiyeen kooxaha Liverpoo iyo Man United balse haatan xidigan wuxuu diyaar u yahay inuu Chelsea kusoo biiro madaama uu si toos ah fariin qoraaleed kaga helay Bilyaneerka reer Russia Abromavic.
Wargeska Daily Star ayaa sheegay in Roman Abromavic uu haatan wada xaajood rasmi ah la bilaabay naadiga Dynamo Kiev ee uu ka tirsan yahay Andriy Yarmolenko, wuxuuna 24-jirkan ku faraxsan yahay inuu Chelsea usoo dhaqaaqo madaama ay mushaar wanaagsan u sheegtay sidoo kalena xidigan waxaa taageero u ah macalin Jose Mourinho oo aad uga helo qaabka uu kubada ugu weerar gali karo iyo sida uu daafaca u caawiyo, sidoo kale Daily Star ayaa sheegay in Chelsea ay haatan qarka u saaran tahay soo xero galinta xidigan waxayna ku qaadan rabtaa £12m waana qiimaha lacageed oo ay Dynamo Kiev kaga samri karto, wararka ayaa intaas ku daraayo hadii uu Yarmolenko Chelsea kusoo biiro inay sii fududeen doonto bixitaanka kubad sameeye Oscar oo haatan kalsooni ka heesanin macalin Jose Mourinho wuxuuna xidiga reer Brazil kusii jeedaa naadiga PSG oo lacago badan inay ku iibsato diyaar u ah.
Profile