Kooxda Roma oo xili cayaareedkan Serie A-da waji wanaagsan ku bilaawday sidoo kalena uu damac xoogan kaga jiro inay ka guuleesato kooxda ay deriska yihiin SS Lazio ayaa shaaca ka qaaday xidigaha uga qayb qaadan doonaan Derby de Roma madaama kulankan uu yahay mid xasaasi ah macalin Garci ayaa u magacaabay dhamaan xidigahiisa ugu awooda badan, inkastoo inay dhaawac qabaan la sheegay Adem Ljajic iyo Federico Balzaretti balse waxaa la xaqiijiyay inay kulankan safan karaan.
waxaase xusid mudan in Mattia Destro iyo Michael Bradley kulankan adag dhaawac awgiis ku seegi doonaan guud ahaan waa kuwaan xidigaha Roma uga qayb qaadan doonaan kulanka Derbiga ah:
Balzaretti, Benatia, Borriello, Burdisso, Caprari, Castan, De Rossi, De Sanctis, Dodo, Florenzi, Gervinho, Jedvaj, Ljajic, Maicon, Marquinho, Pjanic, Ricci, Romagnoli, Skorupski, Strootman, Taddei, Torosidis, Totti.