Daafaca Manchester City iyo Xulka Serbia Aleksandar Kolarov ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda Etihad Stadium ku ciyaarta isagoo dib ugu laabanaya horyaalka talyaaniga sida ay ku warameen warbixino ka imaanaya gudaha talyaaniga.
28-jirkaan heerka caalami ayaa dalabyo ka helay kooxaha Juventus & Inter Milan balse haatan kooxda ka dhisan caasimadda As Roma ayaa si layaab leh hogaanka ugu qabatay tartanka loogu jiro xidigaan.
Aleksandar Kolarov ayaa xili ciyaareedkaan u saftay kooxdiisa 30-kulan kulamada horyaalka isagoo gacan ka geystay guushii ay kooxda ku qaaday horyaalka Ingiriiska markii labaad mudo sadex sano gudahood ah.
Inkastoo kooxda Man City ay la kulantay ganaax kaga yimid xiririirka qaarada yurub ee UEFA taasoo qeexeysa ineysan kooxda qarash gareyn karin wax ka badan 49 Malyan hadana wey u furan tahay iney hesho dhaqaalo badan.
Aleksandar Kolarov ayaa sadex sano kusoo qarash gareeyay caasimada talyaaniga ee Roma isagoo ka tirsana kooxda SS Lazio balse wiilkaan reer Serbia ayaa loo badinayaa inuu ka tagayo Premier League.
Sidoo kale Roma ayaa indhaha ku heysa daafaca ka godadoodsan kooxdiisa Micah Richards kaas oo xili uu u ciyaaro koxda ay goor hore ugu dambeysay.