Home » Maxaa Cusub » Robin Van Persie Oo Seegi Doona Furitaanka Horyaalka Premier League

Robin Van Persie Oo Seegi Doona Furitaanka Horyaalka Premier League


RVP 3

Tababare Louis Van Gaal ayaa xaqiijiyay in weeraryahankiisa reer Holland Robin Van Persie uusan qeyb ka noqon Karin furitaanka horyaalka Premier League-ga.

30-jirkaan ayaa waqti dambe kazoo laabanaya fasax 3 isbuuc ah oo la siiyay madama uu si ba’an ugu daalay koobkii Aduunka hadana Van Gaal ayaa aaminsan in xidigiisa uusan taam u noqon Karin inuu ka qeyb qaato kulanka ugu horeeya horyaalka oo ay la yeelan doonaan Swansea Citgy 16-ka bisha August.

“Robin wuxuu doonayaa inuu ciyaaro kulan walba, waan ogahay taas, balse ciyaartoyda wey tababarteen, Robin wuxuu u baahan yahay tababar buuxa inta uusan ciyaarin kulamada caadiga ah”

“Van Persie wuxuu tababarka bilaabi doonaa isniinta, mana ciyaari doono kulanka saaxiibtinimo ee Valencia 12-ka August, sidoo kale ma ciyaari doono kulanka furitaanka horyaalka ee Swansea” Ayuu yiri tababare Louis Van Gaal.

“Waa suuragal iney dadka igu dhaleeceeyaan go’aankaas balse, ma sahlana inuu sahal u ciyaaro xidig qaatay fasax sadex isbuuc ah wuxuuna u baahan yahay tababar saa’id ah”

Ugu dmabeyntii Van Persie ayaa afar gool saxiixay koobkii Aduunka ee bishii July bartamaheedii lagu soo afjaray Brazil isagoo ka saaciday Oranje iney ku dhameystaan kaalinta sadexaad.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close