Home » Maxaa Cusub » Robin Van Persie Oo Iska Fogeeyay Inuu Ku Lug Lahaa Magacaabistii Louis Van Gaal

Robin Van Persie Oo Iska Fogeeyay Inuu Ku Lug Lahaa Magacaabistii Louis Van Gaal


Gaal

Madaama uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Robin Van Persie iyo macalin Luis Van Gaal sidoo kalena labadii sano ee ugu dambeesay ay xulka Holland iskala shaqeenayay taasi waxay keentay in saxaafada ay baahiso in RVP uu maamulka Man United kula taliyay inay Van Gaal xilka garoonka Old Trafford u dhiibtaan balse weeraryahankan waaya araga ah oo diiday in qaar ka mid ah xidigaha Man United ay sheekadan ka caroodaan ayaa durbadiiba arinkan ka jawaabay wuxuuna yiri

“Maya marnaba maamulka United arinta Van Gaal waxba iga weydiinin aniga wax fikir ah kuma darsanin magacaabistiisa balse waa macalin waaya araga ah kuna haboon hogaaminta Man United waana kusoo dhaweyn doonaa magaalada Manchester”

RVP oo ah hogaamiyaha kooxda Man United ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa uu waa cusub u bilaaban doono madaama uu Van Gaal tababare u noqday wuxuuna yiri

“Van Gaal wixii uu kubada cagta kasoo qabtay ayaa qanaaco noogu filan balse aniga shaqsi ahaan aadban ula dhacsanahay waayo 2-sano ayaan si wanaagsan xulka Holland iskala shaqeynay haatana waxaan rajeynaa inaan United guulo si wadajir ah u gaarsiin karno”

Madaama xili cayaareedkii 2013/14 ee dhawaan soo idlaaday kooxda Man United niyad jab ku dhameesatay sidoo kalena aysan wax koob ah ku guuleesanin wuxu RVP ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay soo laba kacleyn doonto sidoo kalena ay xili cayaareedka dambe ku qanci doonin wax ka yar hanashada EPL!

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close