Home » Maxaa Cusub » Robert Mancini Oo Hogaaminaya Afar Tababare Oo Lala Xiriirinayo Shaqada Xulka Talyaaniga

Robert Mancini Oo Hogaaminaya Afar Tababare Oo Lala Xiriirinayo Shaqada Xulka Talyaaniga


Managers

Macalinkii xulka qaranka talyaaniga Cesare Prandelli ayaa is casilay kadib foolxumadii kasoo gaartay Koobka Aduunka markii xulka Azzurri uu ku haray wareega groupyada ee Koobka Aduunka, Uruguay ayaana guuldaradii ugu dambeysay dhabarka ugu saarisay 1-0 kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Natal.

Kadib is casilaada Prandelli waxaa lagama maarmaan noqotay in si dhaqso ah loo helo tababarihii badali lahaa macalinkaan, madama xulka uu gali doono marxaladii isreeb-reebka koobka Qaramada Qaarada Yurub ee 2016ka lagu qaban doono faransiiska kaas oo bilaaban doona bisha September ee soo aadan.

Si kasstaba Roberto ManciniMassimiliano AllegriLuciano Spalletti Iyo Alberto Zaccheroni ayaa lagu wadaa in midkood uu qabto xilkaas kuwaas oo dhamaantood ah shaqsiyaad u dhashay dalka talyaaniga.

Roberto Mancini?

Macalinkankii hore koxoaha Inter Milan, Manchester City & Galatasaray kaas oo haatan aan wax shaqo ah heynin ayaa hogaanka u haya waxaana loo badinayaa shaqsiga kaliya ee ku haboon shaqadaas inuu yahay.

Massimiliano Allegri?

Macalinkaan Shan Bilood waa shaqo la’aan madama bishii January ee bilowgii sanadkaan laga raacdeeyay shaqada kooxda Milan markii uu mugdi galiyay xaalada kooxda, haatana wuxuu ka mid yahay musharixiinta macalinimo ee xulka talyaaniga.

Luciano Spalletti?

Macalinkaan isna wuxuu tababare u ahaa kooxda Zenit waxaase lagu badalay Andres-Villas-Boas.

Alberto Zaccheroni?

Macalinkaan wuxuu qeyb ka ahaa macalimiintii koobkaan aduunka maamulkeeda hayay wadan ka mid ah wadamada ka qeyb galay Japan ayuu hogaaminayay balse waa talyaani waxaana lala xiriirinayaa jagada tababaranimo ee talyaaniga.

Dhamaan Musharixiintaan u sharaxan xilka macalinimo ee xulka talyaaniga waxey u wada dhasheen dalka talyaaniga.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close