Home » Horyaalada » Bundesliga » Robert Lewandowski Oo Macsalaameeyay Jamaahiirta Borrusia Dortmund

Robert Lewandowski Oo Macsalaameeyay Jamaahiirta Borrusia Dortmund


Leway

Weeraryahanka Xulka Poland iyo Kooxda Borrusia Dortmund Robert Lewandowski ayaa macsalaameyay Jamaahiirta Kooxda uu mudada dheer ku sugnaa.

Robert Lewandowski ayaa ku ciyaaray garoonka signal Iduna Park kulankiisii ugu dambeeyay oo uu xirto maalyiada “Jaalayaasha Jarmalka” Borrusia Dortmund kadib kulan ay maanta 3-2 kaga adkaadeen kooxda Hoffenheim.

Xidigaan reer Poland ayaa heshiis la gaaray kooxda Bayern Munich isagoo si xor ah kaga tagay kooxda Borrusia Dortmund bilawgii January.

Jamaahiirta kooxda Dortmund ayaana sagootin fiican u sameeyay xidigooda iyagoo hadiyado gudoonsiiyay ka hor bilawga ciyaarta wuxuuna ka tagi doonaa Dortmund isagoo aad loo jecel yahay oo ay taageeryaasha cadaawad u qabin sida Mario Gotze oo ay naceen Jamaahiirta Dortmund.

Horyaalka Jarmalka ayaa ah gabogabo iyadoo ay hartay hal kulan oo kaliya oo ay Dortmund ku ciyaareyso banaanka.

Lewy


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close