Weeraryahankii hore kooxda Liverpool Robbie Fowler ayaa shaaciyay in Manchester United ay sameyneyso qalad hadii aysan Ryan Giggs u magacaabin xilka Joogtada ee Man United iyadoo badalkeeda magacaabeysa tababare da’ ah.
Van Gaal ayaa lagu wadaa in isbuucyada soo aadan loo magacaabo macalinka xiga ee Manchester United iyadoo booska labaad uu noqon doono Giggs.
Balse Robbie Fowler ayaa aaminsan in Ryan Giggs uu yahay shaqsiga ku haboon xilka Manchester United waqtigaan la joogo.
Fowler ayaa la hadlay talkSPORT, “Ma garanayo hadii Van Gaal uu ku haboon yahay shaqada, waqtigiisa waa uu qaatay, laga yaabee inu ka gubanayo hadalkeyga, balse aad ayuu da’ u yahay”
“Sheekadu waxey ku wacneyd in la helo qof dhalinyar oo fahmi kara hadalka ciyaartoyda” ayuu yiri mar kale Fowler.
“Ha Ii Maleynin inaan ahay taageere Liverpool, isla markaana doonaya in Man United loo dhiibo shaqsi yar oo hadana fashil keena sida Moyes, waxaan doonayaa macalin yar oo British ah sababtoo ah wuxuu aad u garanayaa kubada laga ciyaaro halkaan”
Robbie Fowler ayaana ugu dambeyn maamulka United u sheegay in Giggs uu yahay shaqsiga ku haboon shaqada tababaranimo ee Manchester United