Home » Maxaa Cusub » Rio Ferdinand Oo Ka Tagaya Kooxda Manchester United

Rio Ferdinand Oo Ka Tagaya Kooxda Manchester United


Rio

Rio Ferdinand ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxda Manchester United kadib 12-sano oo uu ku sugnaa garoonka Old Trafford ee magaalada Manchester.

Ferdinand ayaa ah daafaca u dhashay British ee ugu qaalisan isagoo Leeds United kaga soo biiray  Man United 2002 wuxuuna Old Trafford ku yimid £29.1million.

Daaficii hore Xulka England kaas oo haatan 35-jir ah, ayaa Man United u saftay 454 kulan, balse 12-kii sano ee uu ku sugnaa Old Trafford ayuu soo afjaray habeenkii isniinta isagoo ku dhawaaqay inuu isaga tagayo kooxda.

Ferdinand ayaan rajeyneynin in hal sano oo heshiis ah loogu daro wuxuuna la midoobi doonaa Nemanja Vidic kaas oo isna ka tagaya United marka uu furmo suuqa kala iisbiga sida la aaminsan yahayna wuxuu heshiis la galay kooxda talyaaniga ka dhisan ee Inter Milan.

“Waxaan soo qaatay waqti dheer iyo mid adag bilihii ugu dambeeyay, waxaana soo qaatay 12-sano oo cajiib ah,  maxaan ugu diidayaa iney tahay naadiga ugu wanaagsan dunida, waxaan go’aansaday waqti ay ku haboon tahay inaan dhaqaaqo”

“Manchester United ayaan ku biiray anigoo rajeynaya inaan qaado koobab badan, waxeyna aheyd riyadii iigu weyneyd, waxaana waqti dahabi ah lasoo qaatay kooxda”

Manchester United ayaa barbardhac kusoo xirtay xili ciyaareedkii dhamaaday markii ay St Merry ku booqdeen Southampton.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close