35-jirka daafaca gadaale kooxda Man United kaga cayaaro Rio Ferdinand ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa hadafka ay xili cayaareedkan ka leedahay uu yahay mid iska cad sidoo kalena uu aaminsan yahay in United ay isku qaadi karto sanadkan dhamaan 4-koob oo ay u tartami doonto (Premiership-ka, FA Cup, Capital One Cup iyo UEFA Champions League), Rio oo ka hadlaayo qorshaha kooxdiisa wuuxu yiri “marnaba ma ahan mid sahlan xili cayaareedkan inaan si wanaagsan ku bilaawno waayo United isbadal ayaa lagu sameeyay hogaankeeda sidoo kalena Premiership-ka wuu adkaaday balse Man United hadafkeeda waxba iskama badalin waxaana dooneynaa inaan isku qaadno 4-koob ee aan xili cayaareedkan u tartami doono”
Rio Ferdinand oo la hadlaayay London Evening Standard, ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay heesato xidigo tayo wanaagsan wuxuuna yiri “United waxba iskama badalin xidigaheeda sidaa darteed awood ayaan u leenahay inaan tartanto walbo 100% diirada saarno” daafacan waaya araga ah ayaa garoonka Old Trafford ku sugan tan iyo sanadii 2002 wuxuuna ilaa haatan kooxdiisa Man United kula guuleestay 6-horyaal sidoo kalena koobka horyaalada Yurub halmar ayuu kula guuleestay wuxuuna doonayaa sanada kooban ee uga dhiman mustaqbalkiisa cayaareed inuu Man United guulo dheeraad ah la qeebsado.