Home » Europe » Champions League » Real Madrid Oo Xasuuqda Galatasaray Iyo Ronaldo Oo Sedexleydii Ugu Horeesay ka Dhaliyey Champions League.

Real Madrid Oo Xasuuqda Galatasaray Iyo Ronaldo Oo Sedexleydii Ugu Horeesay ka Dhaliyey Champions League.


roonaldoDabaadal dag kooban oo taageerayaasha kooxda turkiga waxaaa si toosa u bilaabatay ciyaarta kooxaha Real madrid iyo Galatasaray waxaana soo muuqday caawa oo lagu soo bilaabay gool hayaha kooxda real Casillas oo dhawaanahaan kursiga keydka ka ciyaarayey ,Soo galitaaanka garoonka waxaa qolka safka isku salaamay si xamaaasadeesan laacibkii hore kooxda chelsea Drogba iyo macalinka kooxda real madrid Anceloti oo waayo isla joogay.

Labada koox ayaa ku bilaabay ciyaaarta daganaan weerara iyo difaac ku dhisan , waxaase taageerayaasha kooxda Real Madrid  u sacabiyeen kool haye Iker casilass oo ciyaarta laga saaray …markii dhaawac uu kasoo gaaray dhabarka, macalin anceloti ayaa soo galiyey ciyaarta goolhaye Lopez, Daqiiqadii 17-aad waxaa fursad gool loo filan karay heshay kooxda Galatasaray hase yeeshee lopez ayaa is muujiyey oo difaacay, weerar isku dhiidhiib ah oo ay qaadeen kooxda Real waxaaa daqiiqadii 19-aadna loo qaatay inuu gool kulaad yahay markii daafaca adag ee Galatasaray oo diilinta ganaaxa ku jilaafay laacibka kooxda C.Ronaldo laakiin garsooraha ayaa ka dhigay mid aan la ogolaan.

Drogba oo weerarka kooxda Galatasaray ka muuqday ayaa daqiiqadii 21 helay laad xor ah oo kooxdiisa loo dhigay hase ahaatee ma sahlanaan inuu dhaliyo oo daafaca real dhaafiyo,Si kasta waxaa ciyaarta kululeeyey real madridna hami galiyey kubad dheer uu soo laaday Di maria waxaa waxaa gool ka dhigay daqiiqadii 33-oo shaabadiisa saaray saxiixa cusub xagaagan Real Madrid Isco, tababaraha kooxda reer turki ayaa u istaagay inuu ciyaarata qiimeeyo si goolka isga soo aaraag, nasiib xumo waxaa dhamaadka daqiiqadihi qeybta hore ciyaarta waxaan dhaawac garabka ag soo gaaray drogba,dhow fursadoodna waxaa si sahlan u helay kooxda Real Madrid balse ma aysan dhalin.

Bilawgii ciyaarta qeyteedi labaad waxaaa naxdin la istaagay taageerayaasha real markii banooni qurux badan madax toosana goolka real ku tuuray weararyahan Burak oo galatasaray ah kaso aan dhalan, Real madrid aayaaa waxii intaa ka dambeesay iska baashaashay waxaana goolka kooxda Galatasaray sida daadka ugu socday goolka waxaaba bandhiga goolasha real iska kaashaday 54 daqiiqo  K. Benzema , oo baas ka helay Di Maria, sida 63- ronaldo oo kubad baas maxdax ah ka helay Isco, iyo markale 66 =daqiiqo Cristan Ronaldo,  ciyaarta oo dhamaad kudhawna waxaa 80-daqiiqo gool iska dhalo ah shabaqa ku riday Benzema oo baas wacan ka helay Ronaldo.

Wax kasta waxaaa kaamil yeelay xasuuqii galaatasaray Ronaldo oo si xarago badan kubad ula dhaafay laba daafac goolna ka dhigay sidaas ku dhaliyey goolasha loo yaqaan sedex leyda Kubadii lagu ciyaarayeyna caawa kil kisha ku qaatay,Galataasaraay oo ceeb ka carar ah waxaa goolka calanka u dhaliyey umut Bulut oo badal kusoo galay ciyaarta , sidaasna waxaa ku soo laabanaya Real Oo soo raaaxeesay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close