Home » Horyaalada » La liga » Real Madrid Oo Soo Bandhigtay Liis Ay Ku Qoran Yihiin Xidigaha Ay Dooneyso Xagaagan:

Real Madrid Oo Soo Bandhigtay Liis Ay Ku Qoran Yihiin Xidigaha Ay Dooneyso Xagaagan:


madrid

Kooxda Real Madrid oo xili cayaareedkan dadaal dheeri ah sameesay haatan taagan kama dambeesta koobka horyaalada Yurub sidoo kalena ku guuleesatay Cope del Rey balse La Ligaha ka gaabisay ayaa dooneyso inay dadaalkeeda sii wado sidaa darteed madaxdda sare ee kooxdan oo aad ula dhacsan qorshaha macalin Carlo Ancelotti uu haatan ka wado garoonka Bernabue ayaa macalinkan ka codsadeen inuu usoo gudbiyo xidigaha uu doonayo in xili cayaareedka dambe kooxdiisa lagu soo biiriyo, macalinkan waaya araga ayaa doonayo in kooxdiisa loo soo iibiyo xidigo ku wanaagsan, khadka dhexe, weerarka iyo garabka bidix ee daafaca.

Hadaba Carlo Ancelotti ayaa si taxadir ku dheehan usoo bandhigay liiskiisa xidigaha uu doonayo wuxuuna aaminsan yahay in laacibiintan maamulka Madrid si sahlan usoo xero galin karaan sidoo kalena tababarahan laacibiinta uu dalbaday waxay u badan yihiin kuwo dhalin yar oo uu doonayo inay mustaqbalka dheer Real Madrid wax u qabtaan, hadaba hoos kaga bogo liiska xidigaha la filaayo inay Real Madrid xagaagan lasoo saxiixan doonto:

Daafaca garabka bidix: Ricadro Rodriguez (Wolfsburg)

Khadka dhexe: Ivan Rakitic (Sevilla), Geoffrey Kondogbia (Monaco), Chris Malonga (Vitoria)

Weerarka: Rodrigo (Benfica), Antoine Griezmann (Real Sociedad), Luis Suarez (Liverpool)

F.G: Xidigaha sare ku xusan dhamaantood Madrid lama soo saxiixan doonto waxayna ugu yaraan kasoo iibsan doonta 3-cayaaryahan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close