Home » Horyaalada » La liga » Real Madrid Oo Sheegtay In Luis Suarez ay Haatan U Weecatay Madaama Sergio Aguero

Real Madrid Oo Sheegtay In Luis Suarez ay Haatan U Weecatay Madaama Sergio Aguero


suarez-and-sergio

Naadiga Los Blancos ayaa la hubo inay xagaagan weeraryahan tayo wanaaagsan lasoo saxiixan doonto ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in Luis Suarez ay haatan ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay kula soo saxiixan doonto waxayna maamulka Madrid isku raaceen weeraryahankan tayada wanaagsan xooga la saaro qaabkii lagu keeni lahaa garoonka Camp Nou, Suarez aya xili cayaareedkan dhigay wacdaro aan horey loo arag sidaa darteed Liverpool aadbay ugu adkaan doontaa inay xidigan ceshato madaama Real Madrid ay qorsheneyso inay €70 million iyo cayaaryahan dheeraad ah Reds ku wareejiso dabcan dalabkan aadka u sareeyo ma ahan mid la iska dhaga tiri karo waxaana macquul ah in xagaagan 27-jirkan uu La Ligaha Spain u dhaqaaqo.

Geeska kale Real Madrid ayaa sheegtay inay iska hilmaantay saxiixa Sergio Aguero waxayna kooxda reer Spain xidigan ku dhibsatay dhaawaciisa joogtada ah sidaa darteed hadalka Madrid kasoo yeeray wuxuu farxad galiyay naadiga Man City oo ka cabsatay in xidigeeda ugu muhiimsan Madrid xagaagan ka xado, 25-jirkan horey ugu cayaari jiray Atletico Madrid marar badan ay Real ku fikirtay inay lasoo saxiixato balse markaan quus ayay ka istaagtay madaama dhaawacyo ay si joogto ah xili cayaareedkan u ragaadiyeen sidaa darteed tababare Carlo Ancelotti ma doonayo in xili cayaareedka dambe uu ku sirmo Aguero oo inta badan xili xasaas ah garoomada ka maqnaado.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close