Home » Horyaalada » La liga » Real Madrid Oo Manchester United Ka Dulqaadeysa Xidig Diirada U Saarnaa, Waa Kuma?

Real Madrid Oo Manchester United Ka Dulqaadeysa Xidig Diirada U Saarnaa, Waa Kuma?


Rakitic

Kabtanka naadiga Sevilla ayaa doortay inuu xagaagan ku biiro kooxda Real Madrid wuxuuna Ivan Rakitic saxaafada dalka Spain u sheegay inuu dalabka Madrid aqbalay sidoo kalena doonayo inuu La Ligaha baaqi kusii ahaado inkastoo xidigan ay siweyn ugu raad joogtay kooxda Mna United sidoo kalena bilihii aan kasoo gudubnay waxaa naadiga Sevilla dalabyo kala duwan usoo gudbiyeen kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Barcelona hadana kubad qaabeeyahan horey ayuu wargeska Marca ugu sheegay inuu jecel yahay ka mid ahaan shaha kooxda Real Madrid sidaa darteed waxay haatan u muuqataa kooxda uu macalin Carlo Ancelotti hogaamiyo inay ku guuleesa rabto saxiixa Rakitic oo xili cayaareedkan hormar aan caadi ahayn sameeyay.

Wargeska AS ayaa sheegay in Real Madrid ay xidigan ku iibsatay €40 million sidoo kalena uu Rakitic ogolaaday inuu Madrid u saxiixo heshiis 4-sano ah inkastoo arinkaan Madrid dhankeeda baahisay hadana weli kooxda Sevila shaaca kama qaadin inay aqbasho dalabka Madrid balse wargeska Marca ayaa sheegay in Sevilla ay baahin doonto heshiiskan marka ay Finalaha Europa League la cayaarto kooxda Benfica dhawaan waxaana naga xasuusin ah Ivan Rakitic in xili cayaareedkan uu kusoo baxay xidig aad  u wanaagsan asigoo kooxdiisa Sevilla u dhaliyay 13-gool sidoo kalena dhiibay 12-kubadood wargeska AS ayaa intaas ku daray in Ivan Rakitic uu lasoo xariiray saaxiibkiis Luka Modric oo ay xulka Croatia ka wada tirsan yihiin wuxuuna u sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan Madrid ka mid noqon doono waxaana loo badinaa ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin inuu Real si rasmi ah uga mid noqon doono.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close