Kooxda Real Madrid ayaa wakiilo usoo dirtay magaalada London si ay wada xaajood ula furaan naadiga Tottenham waxaya ka dooneysaa Pualinho oo xagaagan ay isku heestaan kooxaha Yurub ugu caansan saxiixiisa, xidigan ka tirsan xulka Brazil ayaan rabin inuu Spurs baaqi kusii ahaado madaama xili cayaareedkii dhawaan dhamaaday inuu dhibaatooyin la kulmay sidoo kalena kooxdan ay ku guul dareesatay inay ka mid noqoto 4-naadi ee koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonaan sidaa darteed Real Madrid oo dooneyso inay tayada Paulinho ka faa’iideesato ayaa Tottenham lasoo xariirtay waxayna Madrid maanka ku heysaa in saxiixa laacibkan ay kooxo badan ku raad joogaan sida Chelsea, Inter Milan, Roma iyo Monaco.
Tottenham xagaagii hore ay Paulinho kusoo iibsatay £17million kadib markii uu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigay asigoo ka tirsan naadiga Corinthians iyo xulka Brazil haatan tayadii lagu soo iibsaday ayuu leeyahay sidaa darteed kooxda Spurs kuma iibin doonto qiimahii ay sanadkii hore kusoo gadata waxayna Real Madrid ku qabsanaan doontaa inay soo xero galinta Paulinho lacago badan uga tala gasho, macalin Carlo Ancelotti ayaa taageero u ah Paulinho wuxuuna doonayaa inuu xili cayaareedka dambe lasoo shirtago madaama Sami Khedira aan la hubin inuu Madrid lasii joogi doono sidoo kale Xabi Alonso da’diisa horey ayay usii badatay arinkaas awgeed Real Madrid waxay ku qasbanaan doontaa inay xili hore Paulinho heshiis la gaarto.