Home » Horyaalada » La liga » Real Madrid Oo Hurdada Ka Kacday Diyaarna U Ah Inay Suarez Saxiixiisa Kaga Guuleesato Barcelona!

Real Madrid Oo Hurdada Ka Kacday Diyaarna U Ah Inay Suarez Saxiixiisa Kaga Guuleesato Barcelona!


Suarez

Kooxda Real Madrid biloowinkii ugu dambeeyay waxaa lala xariirinaayay inay Luis Suarez lasoo saxiixan doonto balse maal mihii ugu dambeeyay Madrid arinkan way ka gaabisay waxaana car car muuqato lasoo baxday naadiga Barcelona oo sheegtay inay saxiixa Suarez ku guuleesan rabto balse gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez oo horey isugu xil qaamay soo xero galinta Suarez ayaa si rasmi ah u sheegay in qorshihiisa uusan waxba iska badalin sidoo kalena wada xaajood la furi doono kooxda Real Madrid wararka ayaa intaas ku daraayo in Real ay Suarez kula soo saxiixan doonto aduun lacageed oo lagu sheegay £80m!

Sidoo kale waxaa la sheegay in Suarez ay Real Madrid ka dhigi doonto cayaaryahanka aduunka ugu mushaarka badan waxayna u balan qaaday inay todobaad walbo siin doonto £350,000 halka uu haatan Liverpool ka qaato £220,000 sidaa darteed Real Madrid waxaa ka muuqato inay ka carootay dhaq dhaqaaqa Barcelona waxayna dooneysaa inay saxiixa Suarez si awood ku dheehan kaga guuleesato kooxda ay xifaaltamaan dabcan arinkan cusub waxay sababi doontaa in qiimaha Suarez uu sare usii kaco sidoo kalena Liverpool xagaagan ay markale jah wareer ku dhameesato dhank suuqa Yurub.

Hadii Real Madrid ay saxiixa Suarez ku guuleesato waxay xili cayaareedka dambe lasoo shirtagi doontaa Bale, Ronaldo iyo Suarez oo wadajir ahaan qiimahooda isku noqon doono £240 million!

Close