Kooxda ka dhisan horyaalka Spain ee Real Madrid ayaa doorbideysa iney heshiis laba sano ka saxiixaato daafaca haatan shaqo la’aanta ah ee horay ugu ciyaari jiray Chelsea Ashley Cole.
Real Madrid ayaa horay u baadi goobeysay xidigana kaas oo shalay iclaamiyay inuu ka tagay kooxda ka dhisan Stamford Bridge.
33-jirkaan ayaa sidoo kale ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii laga reebay xulka England ee koobka aduunka isagoo 107-kulan u saftay xulka sadexda libaax.
Si Kastaba Real Madrid ayaa wada qorshe ay 10 Milyan ku siineyso labadaas sano hadii uu aqbalo hesiiska labada sano ah taasoo ka dhigan in sanadii uu qaadan doono 5 Malyan.
Real Madrid ayaana arintaan kaga dan leh madama Fabio Conteroa oo ah daafacooda uu codsaday in kooxda ay iska iibiso madama uusan ku qanacsaneen garoonka Bernabue.
Ashley Cole ayaa 338 kulan u saftay kooxda Blues mudo 8-deed sano ah oo uu ku sugnaa garoonka Stamford Bridge.