Home » Europe » Champions League » Real Madrid Koobka Champion-ka Ma u Xalaaloobay Mise Sheeko Kale Ayaa Jirto: Maqaal Dadka Kala Saarayo!

Real Madrid Koobka Champion-ka Ma u Xalaaloobay Mise Sheeko Kale Ayaa Jirto: Maqaal Dadka Kala Saarayo!


real

Koobkii Champions League oo ay Real Madrid gurigeeda dhigatay


Waa run in Real Madrid ay ku guuleesatay markeedii 10-aa koobka horyaalada Yurub sidoo kalena ay tahay naadiga ugu guulaha badan qaarada Yurub, hadaba tan iyo markii ay kooxda reer Spain hanatay La Decima aqristayaal badan ayaa nasoo weydiiyeen inaan u kala cadeyno in Real Madrib koobka Yuru u xalaaloobay oo ay si toos ah u qaadatay madaama 10-jeer ay qaaday, sidoo kalena qaar kalena oo aqristayaasheena ah waxay na weydiiyeen in koobka horyaalada Yurub gabi ahaanba magaca laga badali doono madaama Madrid ay koobkii 10-aad qaaday hadaba baaritaan badan markii aan sameenay waxaa inoo soo baxday xaqiiqadan hoos ku qoran:

Sanad walbo kooxdii koobka horyaalada Yurub qaado dib ayay usoo celisaa waxaana loo ogol yahay inay Copy ka sameesato oo ay xarunteeda dhigato waa sida la isku wada raacsan yahay.

UEFA ama xiriirka kabada cagta Yurub waxay ogolo yihiin in koobka ay koox si toos ah u qaadan karto ama uu u xalaaloobi karo hadii ay qaado:

A) 3-jeer oo xariir ah

B) 5-jeer oo kala duwan

Anagoo tix raaceyno sharciga UEFA u yaalo ilaa haatan 4-naadi ayaa si toos ah koobka horyaalada u qaateen oo aan dib usoo celinin waxayna kooxahaas kala yihiin: Real Madrid, Ajax, Bayern Munich iyo AC Milan.

Real Madrid sanadii 1967 ayay qaadatay koobka Yurub dibna uma soo celinin waxaana markaas lagu sharfay in la siiyo koobkii qadiimiga ahaa haatana koobkaas xarunta Madrid ayuu yaalaa.

Ajax markii ay sedex jeer oo xariir ah qaaday intii u dhaxeesay 1971-73 koobka Yurub si toos ah ayay u qaadatay.

Sidoo kalena Bayern Munich markii ay sedex jeer oo xariir ah qaaday koobka Yurub 1974-76 iyadana si toos ah ayay u qaadatay.

Naadiga AC Milan iyadana si toos ah ayay Champion-ka u qaadatay kadib markii ay qaaday 5-jeer laga soo bilaabo sanadii 1967 waxayna qaaday sanadaha kala ah: 1969, 1989, 1990, 1994, 2003, 2007.

Liverpool iyadana koobkan si toos ah ayay u qaadatay sanadii 2005 kadib markii ay 5-jeer ku guuleesatay waxayna qaaday sanadaha kala ah: 1977, 1978, 1981, 1984, 2005.

Hadii aan usoo laabano su’aasha taagan jawaabta waa sidaan?

Real Madrid koobka Yurub ma qaadanin dib ayay usoo celin doontaa xili cayaareedka dambe, sababta hadii aan idiin sheegno waayo kooxdan sanadii 1966 markii ay qaaday koobkeedii lixaad xiligaas ayay koobkii hore toos u qaadatay, laga soo bilaabo xiligaas ilaa haatan waxay qaaday 4-jeer koobkan cusub sanadana kala ah: 1998, 2000, 2002, 2014 sidaa darteed hadii xii cayaareedka dambe ay hanato Champion-ka si toos ah ayay u qaadan doontaa taasina waxay ka dhignaa doontaa in xarunta Bernabue ay dhex ooli doonaan labadii koob ee Yurub taariikh ahaan loo sameeyay waayo horey ayay kooxdan koobkii hore ee qadiimiga ahaa u xalaaleesatay!

Ma Jirto sheekada la xiriirta in Real Madrid ay magaca ka badaleyso Champions League..

2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Real Madrid Koobka Champion-ka Ma u Xalaaloobay Mise Sheeko Kale Ayaa Jirto: Maqaal Dadka Kala Saarayo!

  1. XUDEYFa SYL Reply

    May 29, 2014 at 10:32 AM

    Thnks bahda hiil kubad next season waxan rajynayaa in mar kle anfield lga so dejiyo marki 6 xaad livrpol

  2. tthanks Reply

    May 29, 2014 at 4:49 PM

    thanks ciyaalbaa nawareriyaye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close