Home » Europe » Champions League » Real Madrid £422M v Atletico £64M: Farqiga Hantida Ee U Dhaxeeya Real Madrid & Atletico Madrid

Real Madrid £422M v Atletico £64M: Farqiga Hantida Ee U Dhaxeeya Real Madrid & Atletico Madrid


Ance

Los Blancos ayaa lix jeer ka badan qiimaha ay joogaan xidigaha safka hore ee Atletico Madrid marka isbarbardhig dhanka lacagaha ay ku fadhiyaan xidigaha caawa ka qeyb qaadanaya Finalka Champions League.

Kooxda cad-cadka ayaa ah kooxda ugu dhaqaalaha badan kooxaha aduunka waxaana gudoomiye u ah Florentino Perez tan iyo 2009.

Real Madrid xidigaheeda waxey ku fadhiyaan €521.9 million oo Euro qiimo ahaan marka la isku geeyo, halka xidigaha Atletico Madrid ay ku fadhiyaan 79.05 Milion oo Euro.

Xidigaha ugu qaalisan kooxda Real Madrid waa Bale iyo Cristiano Ronaldo  kuwaas oo ah xidigaha ugu qaalisan dunida kubada cagta.

Sidoo kale Diego Simeone ayaa u heysta xidigaha ugu qaalisan kooxdiisa Arda Turan iyo Raul Garcia kuwas oo ku fadhiya qiimo ka yar qiimaha uu ku fadhiyo Luca Modric oo ah 30 Malyan halka labadooda ay ku fadhiyaan 26 Malyan.

Sidoo Kale Filipe Luis ayaa isna Deportivo La Caruna kaga yimid kooxda Atletico 12 Malyan, halka xidiga ay ku xisaabtamaan ee Costa uu ku fadhiyo qiimo  aad uga yar qiimaha uu Arbeloa ugu fadhiyo Real Madrid. (2.5) ayuuna ku fadhiyaa COsta.

Hadaba Hoos Kaga Bogo:

Lacagaha shaxda hoose Waa Euro:

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close