Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Xidiga Kooxda Chelsea Oriol Romeu Oo Amaah Lagu Siiyay Naadiga Stuttgart

Rasmi: Xidiga Kooxda Chelsea Oriol Romeu Oo Amaah Lagu Siiyay Naadiga Stuttgart


Blues young star

22-jirka khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Chelsea Oriol Romeu ayaa loo ogolaaday inuu qaab amaah ahaan ah ugu biiro naadiga VFB Stuttgart wuxuuna Bundesligaha Jarmalka ku suganaan doonaa xidigan dhalinya yar 12-bilood ee nagu soo fool leh, laacibkan u dhashay dalka Spain xili cayaareedkii hore waxay Chelsea amaah ku siisay naadiga Valencia balse xagaagan markii uu dib ugu soo laabtay garoonka Stamford Bridge macalin Jose Mourinho ayaa u sheegay inuusan boos joogto ah u heli karin sidaa darteed xili cayaareedkan 2014/15 naadiga Stuttgart ayuu ka tirsanaan doonaa si uu waaya aragnimo dheeraad ah u kasbado.

Oriol Romeu waa xidig kusoo bar baaray xarunta La Massia ee kooxda Barcelona balse sanadii 2011 ayuu si rasmi ah Chelsea ugu soo wareegay ilaa haatana weli ma helin fursad uu naadiga Blues si joogto ah ugu cayaaro, guud ahaan Romeu wuxuu Chelsea u saftay 33-kulan dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena hal goo ayuu u dhaliyay. Wuxuuna laacibkan ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay ku biiritaanka naadiga Stuttgart asigoo aaminsan inuu Bundesligaha Jarmalka wax badan kasoo baran doono xili cayaareedkan.


Close