Ugu dambeyntii xiriirka kubada cagta qaarada Yurub ayaa si rasmi ah usoo bandhigeen kooxda ugu wanaagsan Yurub sanadkii 2013 (UEFA Team Of The Year 2013), kadib markii mudo labo biloodah loo codeenayay 11-ka xidig ee ugu wanaagsan Yurub waxay UEFA soo bandhigtay naadi ka kooban 11-laacib kuwaas oo ay doorteen taageerayaasha aduunka, inka badan 6-milyan oo taageero ah ayaa codkooda ka dhiibten website-ke xiriirka kubada cagta Yurub waxaana si rasmi ah shaaca looga qaaday 11-ka xidig ee nasiibka u yeelatay inay ka mid noqdaan naadiga riyada.
Waxa xusid mudan in naadiga Bayern Munich ay ku yeelatay kooxda sanadkan Yurub ugu wanaagsan 4-cayaaryahan halka Cristiano Ronaldo uu iskoor dhigay madaama markii 8-aad uu ka mid noqday naadiga Yurub ugu wanaagsan, hadaba guud ahaan waa kuwaan hoos ku qoray kooxda 2013 ugu wanaagsan qaarada Yurub:
Goolhaye: Manuel Neuer (FC Bayern München & Germany)
Daafaca: Philipp Lahm (FC Bayern München & Germany), Thiago Silva (Paris Saint-Germain & Brazil), Sergio Ramos (Real Madrid CF & Spain), David Alaba (FC Bayern München & Austria)
Khadka dhexe: Gareth Bale (Tottenham Hotspur FC/Real Madrid CF & Wales), Marco Reus (Borussia Dortmund & Germany), Mesut Özil (Real Madrid CF/Arsenal FC & Germany), Franck Ribéry (FC Bayern München & France)
Weerarka: Zlatan Ibrahimović (Paris Saint-Germain & Sweden), Cristiano Ronaldo (Real Madrid CF & Portugal)
Xidigaha kala ah Neuer, Alaba iyo Reus ayay u noqotay markii ugu horeesay oo ay kasoo muuqdaan UEFA Team of The Year, sidoo kale markii ugu horeesay tan iyo sanadii 2007 ayay noqotay Lionel Messi oo liiskan soo gali waayay, Mesut Ozil isagana waxa u suura gashay in sanadkii labaad oo xariir ah ayuu kooxda Yurub ugu wanaagsan kasoo muuqday halka Thiago Silva isagana sanadkii 3-aad oo xairiir ah uu kooxdaan kasoo muuqanaayo.