Home » Maxaa Cusub » RASMI: Tottenham Hotspur Oo Dhameystirtay Saxiixa Federico Fazio

RASMI: Tottenham Hotspur Oo Dhameystirtay Saxiixa Federico Fazio


Fazio

Tottenham Hotspur ayaa ugu dambeyntii dhameystirtay saxiixa daafaca reer Argentina Federico Fazio kaas oo kaga yimid kooxda Sevilla ee dalka Spain.

Daafacaan heerka caalami ayaa qalinka ugu duugay kooxda waqooyiga London ka dhisan heshiis afar sano ah, wuxuuna qeyb kasoo noqday wiilashii Argentina ee ku guuleystay koobkii Aduunka 2007, dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 20-ka sano, iyo sidoo kale xulkii Argentina ee ku guuleystay koobkii Olympicada Aduunka ee lagu qabtay China 2008.

Federico Fazio wuxuu ciyaarahiisa kubada cagta kasoo bilaabay kooxda dalkiisa hooyo ee Ferro Carril Oeste, isagoo 2007 kusoo biiray kooxda Sevilla ee ka ciyaarta La Liga.

Laba jeer ayuu matalay xulka qaranka Argentina, inkastoo uu 194-kulan saftay horyaalka Spain, sidoo kalana wuxuu qeyb ka ahaa wiilashii Sevilla ee ku guuleystay Europa League xiligii lasoo dhaafay, markii ay rigoorayaal ku garaaceen Benfica.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close