Home » Maxaa Cusub » RASMI: Tababare Roberto Mancini Oo Ka Tagay Shaqada Galatasaray

RASMI: Tababare Roberto Mancini Oo Ka Tagay Shaqada Galatasaray


Mancini Galatasaray

Kooxda Turkiga ka dhisan ee Galatasaray ayaa xaqiijisay in tababarahoodii reer talyaani Roberto Mancini uu shaqad aka tagay galabnimadaan.

Macalinkaan reer Talyaani ayaa xilka Galatasaray qabtay September 2013, balse wuxuu ku fashilmay inuu kooxda u hogaamiyo ku guuleysiga horyaalka Turkiga markii uu kaalinta labaad geeyay, Fenerbahce ayaana ku guuleysatay horyaalka.

Si Kastaba Roberto Mancini ayaa isaga tagay shaqada kooxda waxaana haatan macalin la’aan ah kooxda Turkiga ka dhisan ee Galatasaray.

Roberto Mancini ayaa lala xiriirinayaa inuu shaqo tababaranimo ka qabto kooxdii uu ciyaartoynimada usoo maray ee SS Lazio sida ay shaaciyeen ilo la isku haleyn karo oo ku sugan talyaaniga.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close