Home » Maxaa Cusub » RASMI: Tababare Luiz Felipe Scolari Oo Iska Casilay Shaqada Xulka Brazil

RASMI: Tababare Luiz Felipe Scolari Oo Iska Casilay Shaqada Xulka Brazil


Scolari

Tababarahii Xulka Brazil  Luiz Felipe Scolari ayaa iska casilay shaqada xulka Brazil isagoo ka hor qirtay xiriirka kubada cagta Brazil (CBF) kadib markii uu ku fashilmay inuu ku guuleysto Koobka Aduunka.

65-jirkaan reer Brazil ayaa cawaaqib xumo la kulmay labadii kulan ee ugu dambeysay madama laga dhaliyay 10-gool, inkastoo Scolari kadib ka haritaankiisii koobka Aduunka uu ku adkeystay inuu shaqada sii joogo isla markaana isbuuc kadib uu go’aan qaadan doono.

Si Kastaba Scolari ayaa fahmay inaan looga baahneen shaqada Brazil wuxuuna isaga tagay shaqada, macalinkii xulka Brazil ee 2002 u qaaday koobka Aduunka ayaa isaga tagay maanta oo isniin ah.

Scolari ayaa 19-guulood gaarsiiyay Brazil, 29-kii kulan ee uu haayay xiligiisa labaad isagoo u qaaday Confederation Cupkii lagu qabtay Brazil 2013.

Close