Swansea City ayaa dhameystirtay saxiixa xidiga heshiiskiisa uu dhamaaday ee Bafetimbi Gomis kaas oo si xor ah ugu biiray inkastoo sanadii hore ay ku fashilantay iney ku iibsato 8.5 Malyan Oo Pound.
28-jirkaan reer France ayaa 62-gool u dhaliyay kooxdiisa Lyon 172-kulan oo uu saftay, wuxuuna saxiixay heshiis afar sano ah isagoo caafimaad u maray Jimcihii.
Bafetimbi Gomis ayaa doonaya inuu u badalo Swansea City Wilfried Bonny kaas oo la filayo inuu ka dhaqaaqo kooxda gobolka Wales ka dhisan.
Bonny ayaa wacdaro ka dhigay koobka Aduunka inkastoo xulkiisa ay ka hareen wuxuuna xili ciyaareedkii dhamaaday u dhaliyay Swansea City 25-gool.
Befatimbi Gomis ayaa u saftay France 12-kulan xili ciyaareedkii dhamaadayna 22-gool ayuu dhaliyay.
Befatimbi Gomis ayaa July 2009 kusoo biiray Lyon isagoo kaga yimid St Etienne.
Waa saxiixii labaad ee Swansea City iyadoo la saxiixatay Lukas Fabianski.
Profile