Kubad sameeyaha Kooxda Manchester City iyo Xulka Faransiiska Samir Nasri ayaa noloshiisa u hibeeyay kooxdiisa kadib markii uu heshiis waqti dheer qalinka ugu duugay kooxdiisa.
27-jirkaan reer France ayaa saxiixay heshiis gaaray shan sanadood isagoo Etihad Stadium ku sugnaan doona ilaa 2019 taasoo ka dhigan inuu ku gaari doono da’da 32-jirka.
Samir Nasri wuxuu Manchester City kaga soo biiray Arsenal sanadii 2011, wuxuuna dhaliyay 22-gool, 129-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna kula guuleystay laba horyaal, iyo Hal League Cup.
“Haatan waxaan ahay 27-jir, hadii aad dhageysato macalimiinta wanaagsan, waxey ku leeyihiin kubad sameeyayaasha ugu fiican dunida da’dooda waa 27-30, sidaas darteed waxaan rajeynayaa inaan waqtigeyga wanaagsan siiyo City” Ayuu yiri Samir Nasri.
Sidoo kale Samir Nasri ayaa wanaag dareemay xili ciyaareedkiisii ugu dambeeyay isagoo ka hoos ciyaaray Manuel Pellegrini wuxuuna ka mid ahaa wiilashii maalintii ugu dambeysay guusha ay horyaalka ku hanteen gacanta u galiyay City.
Ugu dambeyntii Nasri ayaa tilmaamay in sanadii ugu dambeysay uu dareemay wanaagii ugu fiicnaa ku noolaashaha Magaalada Manchester inkastoo uu nasiib u yeelan waayay inuu France u matalo koobka Aduunka.
Profile