David Luiz ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Kooxda Paris St Germain PSG 48 Saacadood ee soo socota iyadoo lagu qaadan doono heshiis la buunbuuniyey oo gaaraya ilaa £50million.
weli waxaa socdo saxiixitaan Heshiiska uu kooxda PSG La geli doono, Laakiin haddii uu dhamaado 27 Jirkaan ayaa noqon doono daafaca ugu qaalisan Dunida ee lakala iibsado isagoo ka kor mari doono Daafacyada ay PSG Horay Usoo Iibsatay Waa Marquinhos iyo Thiago Silva.
Markii uu Dhamaado Heshiiska ay PSG la geli doonto Kooxda Stamford Bridge, waxay codsi u diri doonaan Macalinka Brazil Luiz Felipe Scolari si xidigaan uu caafimaad ugu maro.
PSG ayaa aaminsan inay heshay mid kamid ah daafacyada ugu wanaagsan Adduunka waxayna diyaar u tahay inay bixiso lacagta ay Chelsea dul dhigtay daafacaan.
Heshiiskii ugu Qaalisanaa oo ay koox Ingiriiska ah kusoo Qaadato Daafac wuxuu ahaa markii Rio Ferdinand uu kasoo tagay Leeds uuna imaaday Manchester United markaas oo laga bixiyey £30million 12 Sano ka hor, midkaas ayaana ahaa midkii ugu qaalisaan ee Xiddig difaac ah lagu iibsado.
Ilo Muhiim ayaa xaqiijinaya in PSG ay kaga adkaatay Xiddigaan kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, Maadaama ay PSG miiska soo saartay Lacag Aan Caadi aheyn oo Barcelona iyo Bayern Munich aysan maleeneyn.