Kooxda Newcastle United ayaa dhameystirtay heshiis 12 Malyan Oo Pound ku kacaya oo ay kula soo saxiixatay kubad sameeyaha kooxda Montpellier Remy Cabella.
Remy Cabella ayaa noqday xidigii ugu qaalisanaa oo ay lasoo saxiixato Newcastle United kadib Micheal Owen kaas oo 2005 ku yimid St James Park 16 Malyan Oo Pound.
Tababare Alan Pardew ayaa isku dayay inuu xidigaan lasoo saxiixdo bishii January ee kal hore, markaas oo Yohan Cabaye uu isaga tagay kooxda kuna biiray Paris Saint Germain.
Sidoo kale tababare Pardew ayaa sheegay in Remy Cabella uu ahaa xidig ay mudo ku raad joogeen isla markaana ay ku faraxsan yihiin saxiixiisa.
Dhanka kale Cabella ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan kusoo biiritaanka Premier League iyo kooxda Newcastle.
“Dhaqaaqaan waa mid aan doonayay” Ayuu Cabela yiri, “Waxba ma aanan maqlin balse qof walba wuxuu ii sheegayaa iney tahay arin fiican qof walba oo aan la hadlo” ayuu mar kale yiri.
“Waxaan doonayay inaan koox weyn oo Ingiriis ah ku biiro waana sababta aan halkaan u imid.
24-jirkaan heerka caalami ee xulka faransiiska ayaa ka mid ahaa wiilashii kusoo hungoobay koobka Aduunka inkastoo uusan nasiib u yeelan inuu ciyaaro.
Profile