Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Neuer, Robben Iyo Ronaldo Oo Isugu Soo hareen Abaal Marinta Laaciba Yurub Ugu Wanaagsan

Rasmi: Neuer, Robben Iyo Ronaldo Oo Isugu Soo hareen Abaal Marinta Laaciba Yurub Ugu Wanaagsan


UEFA award short list

Xiriirka kubada cagta qaarada Yurub ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen sedexda laacib ee u tartami doonto abaal marinta xidiga ugu wanaagsan qaarada Yurub, madaama horey 10-cayaaryahan u sharaxnaayeen abaal marintan waxaa haatan si rasmi ah loogu codeeyay sedex xidig ee u tartami doonto abaal marintan qaaliga ah waxaana isugu soo hareen goolhaye Manuel Neuer (Bayern Munich/Germany), Arjen Robben (Bayern Munich/Holland) iyo Cristiano Ronaldo (Real Madrid/Portugal).

Neuer, Robben iyo Ronaldo waxaa la tartan siin doonaa 28-ka bishan dabcan markaas ayaa la ogaan doonaa xidiga calafka u yeelan doono inuu sanadkan noqdo laacibka ugu wanaagsan qaarada Yurub.

Ronaldo isaga xili cayaareedkii hore Real Madrid wuxuu ka caawiyay inay ku guuleesato koobka horyaalada Yurub markeedii 10-aad, halka Neuer uu xulka Jarmalka ka saaciday inay koobka aduunka ku guuleestaan sidoo kalena Bayern Munich Bundesligaha iyo DFB Pokal ayuu la qaaday haka reebin Robben isagana xulka Holland wuxuu u suura galiyay inay kaalin 3-aad koobka aduunka ka galaan sidoo kalena wacdaro shaqsi ahaaneed ayuu koobkii aduunka 2014 kasoo bandhigay halka uu kooxdiisa Bayern Munich koobab muhiim ah kula guuleestay.

Hadaba la arki doonee shaqsigii calaf u yeelan doono sedex laacib abaal marinta qaarada Yurub ugu qaalisan.

Hadaba marka laga reebo sedexdaan laacib oo abaal marintan qaaliga ah u tartami doonaan waxaa kusoo xigeen xidigahan hoos ku qoran oo laga cod badiyay waxayna heleen codadka hoos ku xusan laacib walbo:

4 Thomas Müller (GER, FC Bayern München) –39-cod

5 Philipp Lahm (GER, FC Bayern München) – 24-cod

5 Lionel Messi (ARG, FC Barcelona) – 24-cod

7 James Rodríguez (COL, AS Monaco FC/Real Madrid CF) – 16-cod

8 Luis Suárez (URU, Liverpool FC/FC Barcelona) – 13-cod

9 Ángel Di María (ARG, Real Madrid CF) – 12-cod

10 Diego Costa (ESP, Club Atlético de Madrid/Chelsea FC) – 8-cod


Close