Kadib markii uu dadaal dheeraad ah sameeyay sanadkan 2014 xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Chelsea Nemanja Matić ayaa loo aqoonsaday inuu yahay laacibka ugu wanaagsan dalka Serbia.
26-jirkan ayaa gudoomay abaal marintan qiimaha badan wuxuuna ka dhawaajiyay inuusan marnaba qanci doonin oo u dadaalkiisa sii laba laabi doono.
“Abaal marintan waa mid qiimo weyn agteyda ka leh, balse maanta wixii ka dambeeyo dadaal dheeraad ah ayaan la imaan doonaan mana noqon doono shaqsi qancay oo iska seexday”
“Waxaan kaga mahad celinaa guusha aan gaaray xidigaha igu qaranka ah iyo sidoo kalena kuwa igu naadiga ah, mana heli laheyn aqoonsigan hadii aan iyaga garab ka helin sanadkan 2014”
Matic ayaa abaal marintan kala wareegay saaxiibkiis oo ay isku kooxda yihiin Branislav Ivanović kaasi oo ku guuleestay labadii sano ee ugu dambeesay xidiga ugu wanaagsan dalka Serbia.
Sidoo kale Radovan Ćurčić oo ah tababaraha xulka Serbia ayaa loo aqoonsaday macalinka ugu wanaagsan dalka Serbia, 42-jirkan ayaa sanadkan si adag u shaqeeyay wuxuuna marka hore xulka Serbia ee da’dooda ku hooseyso gaarsiiyay guulo taariikhi ah kadibna waxaa si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha xulka qaranka Serbia oo uu haatan hogaamiyo.