Kooxda reer Jarmal Borussia Monchengladbach ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay heshiis la gaartay xidiga dhalinta yar Thorgan Hazard oo ah walaalka yar ee la dhashay Eden Hazard, madaama xidigan dhalinta yar uu hormar wanaagsan sameynayo balse uusan boos joogto ah Chelsea ka heli karin waxay maamulka Blues isku raaceen in amaah lagu siiyo kooxda Monchengladbach oo uu boos joogto ah ka heli doono sidoo kalena Thorgan Hazard waaya aragnimo dheeraad ah ayuu Bundesligaha Jarmalka ka kororsan doonaa xili cayareedka cusub.
Thorgan Hazard ayaa amaah ahaan kula joogi doono kooxda Monchengladbach 12-bilood ee nagu soo fool leh waxaana imaan shihiisa xaqiijiyay agaasimaha guud ee kooxda reer Jarmal Mr. Max Eberl wuxuuna yiri “Thorgan waa wiil aad u wanaagsan sidoo kalena hormar wanaagsan sameeyay wuxuuna ka cayaari karaa boosas wanaagsan aadban ugu faraxsanahay inaan lasoo saxiixanay kubad sameeye ay ku raad joogeen helitaankiisa qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan sidoo kalena maamulka Chelsea ayaan u mahad celinaa madaama ay noo ogolaadeen inay tayada Thorgan ka faa’iideesano” Thorgan Hazard ayaa labadii sano ee ugu dambeesay ku sugnaa dalka Belgium wuxuuna qaab amaah ahaan kula joogay naadiga Zulte Waregem balse hada kadib Bundesligaha Jarmalka ayuu kasoo dhex muuqan doonaa laacibkan tayada wanaagsan.
Profile