Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Muller Iyo Lahm Oo Heshiis Cusub Bayern Munich U Saxiixeen

Rasmi: Muller Iyo Lahm Oo Heshiis Cusub Bayern Munich U Saxiixeen


Muller and Lahm

Wargeska The Bild ee lagu tilmaamo midka ugu afka dheer dalka Jarmalka ayaa si rasmi ah u baahiyay labada xidig ee Bayern Munich ugu muhiimsan inay heshiis cusub qalinka ku duugeen, Thomas Muller iyo Philipp Lahm ayaa xaqiijiyay inay mustaqbalkooda cayaareed Munich ku dhameesan doonaan madaama ay ogolaadeen inay sanado badan garoonka Allianza Arena baaqi kusii ahaadaan.

Thomas Muller oo 24-jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis u ogolaan doono inuu Bayern kasii mid ahaado ilaa sanada 2019 waxayna aqbaartan niyad ku noqotay kooxda Man United oo qal qaalo xoogan ugu jirtay inay lasoo saxiixato weeraryahankan tayada wanaagsan.

Kabtan Lahm oo isagana 30-jir ah ayaa aqbalay inuu qalinka ku duugo heshiis gaarayo ilaa sanada 2018 sidaa darteed rug cadaagan wuxuu cayaaraha kaga fariisan doonaa Bayern weliba waxaa u suura gali doonto inuu mudo 23-sano ah ka mid ahaado kooxda ugu awooda badan dalka Jarmalka.

Lahm heshiiska uu saxiixay la yaab ma ahan balse waxaa lala yaabay Muller oo maalmo ka hor sheegay inuu mustaqbalkiisa cayaareed ee Bayern ka fiirsan doono sidoo kalena kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa xusul duub ugu jireen xidigan tayada wanaagsan balse maamulka Bayern Munich aya kaga jawaabeen sheekadan inay xidigan tayada wanaagsan ka saxiixaan heshiis waqtigiisa dheer yahay waxana hubaal ah in xidigan markale magaciisa suuqa Yurub lagu dhex sheegi doonin.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close