Home » Horyaalada » La liga » Rasmi: Mudada Neymar Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo Shaaca Laga Qaaday

Rasmi: Mudada Neymar Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Oo Shaaca Laga Qaaday


Neymar

Kadib markii weeraryahanka kooxda Barcelona Neymar uu ku dhaawacmay kulankii wareegia 16-aad ee Copa dely Rey oo ay Barca la cayaartay naadiga Getafe waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday mudada uu garoomada ka maqnaan doono, inkastoo markii hore la hadal haayay inuu dhaawaca dhanka qoobka ka gaaray uu halis yahay hadana Barcelona ayaa si rasmi ah u sheegtay in mudo sedex todobaad uu garoomada ka maqnaan doono xidigan tayada wanaagsan, guusha ay Barcelona ka gaartay Copa del Rey waxaa hareeyay dhaawaca Neymar gaaray kaasi oo garoonka isaga baxay qaybtii hore balse haatan macalin Gerardo Tata Martino ayaa culuus ka dagay madaama kaliya uu 21-cisho uu Neymar garoomada ka maqnaan doono.

Hadaba Barcelona ayaa sheegtay in Neymar uusan seegi doonin kulanka adag ee kooxdan la cayaari doonto naadiga Man City kana tirsan wareega 16-aad ee koobka horyaalada Yurub madaama kulankan la cayaari doono dabyaaqada bisha Febraayo, sidoo kale Barcelona ayaa sheegtay in sedexda kulan ee ugu soo horeyso La Ligaha Spain uu xidigan seegi doono waxayna kulamadaas Barcelona la kala cayaari doontaa kooxaha Levante, Malaga iyo Valencia sidoo kalena wuxuu seegi doonaa wareega 8-aad ee Copa del Rey kulanka Barcelona la cayaari doonto naadiga Levante, macalin Tata Martino ayaa saxaafada u sheegay in Neymar uu dib garoomada ugu soo laaban doono 18-ka bisha Febraayo kulanka ay Barcelona la cayaari doonto Rayo Vallecano taasi ayaa ka dhigan in 2-maalmood kadib Barcelona wajihi doonto naadiga Man City Neymar-na uu kulankan ka qayb qaadan karo.


Waxaa Aqrisay: (232)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>