Kooxda faransiiska ka dhisan ee As Monaco ayaa magacowday tababaraheeda cusub iyadoo u magacowday Leonardo Jardim oo ah macalin u dhashay dalka Portugal wuxuuna kooxda sii heyn doonaa labada sano ee soo aadan.
Macalinkaan heerka caalami ayaa shaqadiisa si toos ah u bilaabi doona 30-ka June markaas oo kooxda ay bilaabi doonto tababarka ay isugu diyaarineyso kulamada ka horeeya horyaalka.
Macalinka cusub ee Monaco Leanardo Jardim ayaa yiri:
“Waan ku faraxsanahay inaan tababare u noqdo koox weyn sida Monaco, waxaan aaminsanahay in shaqadan ay tahay shaqo culus isla markaana ay u baahan tahay iney howl culus”
“Waxaa kooxda ku sugan ciyaartoy da’yar oo aan caadi aheyn kuwaas oo u baahan in maskaxda laga dhiso”
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Monaco Vadim Vasilyev ayaa amaanay macalinka cusub ee kooxda.
“Waa macalin wanaagsan kaas oo leh awood aan ku aragnay kooxihii uu horay usoo maamulay waa macalin leh go’an adag una roon da’yarta soo koreysa dabcan hamigiisa ayaan aad u jeclaanay, waana macalinka aan mudo badan raadineynay”
Xigasho: Website-ka Gaarka ah ee Kooxda As Monaco. (http://www.asm-fc.com/)
DAAWO MUUQAALKA: