Home » Maxaa Cusub » Rasmi Man United Oo Sheegtay Inay Todobaadka Dambe Saxiixa Nicolas Gaitan Soo Gaba Gabeen Doonto

Rasmi Man United Oo Sheegtay Inay Todobaadka Dambe Saxiixa Nicolas Gaitan Soo Gaba Gabeen Doonto


Benfica's Argentinian forward Nicolas Gaitan controls the ball during their Portuguese league football match against Vitoria SC at the Afonso Henriques Stadium in Guimaraes, northern Portugal, on September 10, 2010. Vitoria won the match 2-1. AFP PHOTO/MIGUEL RIOPA (Photo credit should read MIGUEL RIOPA/AFP/Getty Images)

Kubad sameeyaha kooxda Benfica Nicolas Gaitan ayaa ku dhawaanayo inuu usoo dhaqaaqo garoonka Old Trafford madaama kooxdiisa Benfica ay haatan dalabka Man United aqbashay.

Wargeska The Metro oo xaalada Nicolas Gaitan u dhuun daloolay ayaa sheegay in Man United ay dhigeeda Benfica la heshiisay waxaana laga aqbalay dalab £21.2m.

Gaitan ayaa imaan doono todobaadka dambe garoonka Old Trafford si uu tijaabo caafimaad u maro sidoo kalena xidigan ayaa la sheegay inuu heshiis 5-sano ah qalinka ku duugi doono.

27-jirkan ayaa noqon doono saxiixa labaad ee Man United xagaagan ku guuleesato madaama ay dhawaan Memphis Depay naadiga PSV kasoo iibsadeen.

Macalin Luis Van Gaal qorshihiisa wuxuu yahay inuu xili hore sameeyo saxiixyada uu doonayo si kooxdiisa diyaar garow adag ugu gasho Premiership-ka England xili cayaareedka dambe.

Imaanshaha Gaitan ayaa ka dhigan in Angel di Maria iyo Adnan Januzaj ay Man United isaga hayaami doonaan madaama labadan xidi xili cayaareedkan ku guul dareesteen inay United ka dhex muuqdaan.

Gaitan ayaa sanadii 2010 isaga soo tagay naadiga Boca Juniors wuxuuna xiligaas kusoo biiray naadiga Benfica oo uu ilaa haatan ka tirsan yahay wuxuuna kula guuleestay labo horyaal oo xariir ah labadii xili cayaareed ee ugu dambeesay.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>