Kooxda Man United ayaa u muuqatoinay ku guuleesan rabto loolanka loogu jiro laacibka xulka Colombia madaama ay miiska u saartay dhigeeda Fiorentina €40m, waxayna United saxiixa Juan Cuadrado kaga guuleesan rabtaa kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Man City oo xidigan tayada wanaags ku raad joogeen, wararka ka imaanayo dalka Italy ayaa sheegayo in United ay wada xaajood rasmi ah la furtay maamulka kooxda Violla waxaana la filan in kooxda reer Talyaani ay aqbasho dalabkan aadka u sareeyo.
26-jirkan laga daba dhacay waxay kooxdiisa Fiorentina dhawaan sheegtay €50m kaga samri karto balsea saxaafada dalka Talyaaniga ayaa sadaalineyso in dalabka Man United ay Violla aqbali doonto madaama lacagtii ugu badneed Man United u gaartay, macalin Luis Van Gaal ayaa taageero weyn u ah Cuadrado wuxuuna aaminsan yahay inuu xalin karo dhibaatada Man United ka heesato dhanka garbaha madaama xidigaha kala ah Nani, Ashley Young iyo Luis Antonio Valencia ay dhamaantood xili cayaareedkii dhamaaday ku fashilmeen inay United sameeyn ku yeeshaan.
Profile