Home » Horyaalada » La liga » RASMI: Luka Modric Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Real Madrid

RASMI: Luka Modric Oo Qandaraas Cusub U Saxiixay Real Madrid


Renovación de Luka Modric

Kadib 106-kulan oo uu ahaa xidig ka tirsan Real Madrid kulana guuleystay Champions League, Copa Del Rey, Spanish Super Cup & European Super Cup, xidiga reer Croatia ayaa qandaraaska u kordhiyay kooxdiisa.

Luka Modric ayaa kulankiisii ugu horeeyay kasoo muuqday Los Blancos 29- August 2012, wuxuuna dhaliyay 6-gool mudo laba sano ah oo uu halkaan ku sugnaa.

“Mdoric waa xidig aan caadi aheyn oo u qalma in lagu sii hayo garoonka Bernabue” Ayuu yiri Ancelotti.

Luka Modric qandaraaska uu kula jiray kooxdiisa wuxuu ku ekaa 2017, balse wuxuu ku daray sanad dheeri ah isagoo gaarsiiyay 2018, taasoo ka dhigan inuu magaalada Madrid kusii sugnaan doono afarta sano ee soo aadan.

“Real Madrid waxey ku dhawaaqday heshiis kordhinta Luka Modric, isagoo kooxda lasii joogaya afarta sano ee soo aadan” Ayaa lagu qoray warbixin kasoo baxday kooxda boqortooyada.

28-jirkaan gaaban ayaa 2012 kaga soo biiray Madrid kooxda ingiriiska ka dhisan ee Tottenham Hotspur, isagoo ka hor xiliyo qurux badan kusoo qaatay Dinamo Zagreb, Zrinjski Iyo Inter Zapresic.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close