Ugu dambeyntii kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay xidiga khadka dhexe ka cayaaro Emre Can oo ay kala soo saxiixatay naadiga Bayer Leverkusen, 20-jirkan ayaa heshiis Liverpool la gaaray bilawgii bishii hore ee aan kasoo gudubnay balse maanta ayuu si rasmi ah garoonka Anfield usoo gaaray waxaana la gudoonsiiyay maaliyada Reds. xidigan dhalinta yar waxay Liverpool kula soo saxiixatay £10 million.
Emre Can kadib markii maaliyada Reds la gudoonsiiyay wuxuu yiri “aadban ugu faraxsanahay sidoo kalena sharaf weyn ayay ii tahay inaan kusoo biiro Liverpool FC oo ah koox kubada cagta ehel u ah sidoo kalena taariikh aan la gaari karin leh!” Can oo xili cayaareedk hore Leverkusen u saftay 29-kulan Bundesligaha Jarmalka ayaa hadalkiisa sii watay wuxuuna yiri “aadban ugu hanqal tagaayaa inaan Liverpool u cayaaro sidoo kalena ma sugi kari inaan mar un garoonka Anfield kasoo muuqdo!” Can oo kusoo bar baaray kooxda Bayern Munich balse xili cayaareedkan kusoo caan baxay kooxda Leverkusen ayaa lagu wadaa inuu Liverpool wax weyn kusoo kordhiyo madaama uu boosas badan ka cayaari karo xidigan dhalinta yar ee hormarka wanaagsan sameeyay xili cayaareedkii hore.
Ku so dhawaaw minanka kubada cagta E.can new bellack viiiva b.rodgers