Kabtanka Xulka Argentina Lionel Messi ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Barcelona sida ay ku dhawaaqday kooxda ku ciyaarta garonka Camp Nou ee Barca.
Weeraryahankaan reer Argentina ayaa la hadal hayay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa inkastoo warar isqilaafsan oo kala duwan ay kasoo baxayeen hadana ugu dambeyntii waa lasoo afjaray.
Manchester City iyo PSG ayaa dalabyo xoog leh iyo lacago badan u gudbiyay xidiga iyo kooxdiisa balse mustaqbalka Lionel Messi ee Barca ayaa la filayaa iney isku soo dhamaato.
Sida ay ku warantay Barca Messi ayaa heshiiskiisa cusub qalinka ku duugi doona maalmaha soo aadan, waxaana uu qandaraaska haatan kula joogo kooxda ku egyahay 2018-ka inkastoo kaliya uu xidigaan hal sano oo dheeraad ah uu ku dari dono heshiiskiisa cusub.
26-jirkaan heerka caalami ee reer Argentina ayaana noqon doona xidiga ugu mushaarka badan aduunka isagoo sanadkii qaadan doona 20 Malyan waa arin bog cusub u fureysa Messi.
Barcelona ayaa war farxad leh heshay ka hor kulankeeda ay sabtida la ciyaareyso kooxda Atletico Madrid kaas oo lagu go’aansan doono cida ku guuleysaneysa horyaalka Spain xili ciyaareedkaan.