Daafacii Liverpool ahna kabtanka xulka Denmark Daniel Agger ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxdiisii hore Brondby ee ka dhisan dalkiisa hooyo isagoo ka tagay Liverpool kadib markii uu boos ka waayay safka hore ee kooxda.
Daafacaan dhexe ayaa sanadii 2006 kusoo biiray kooxda Liverpool isagoo kaga yimid kooxda Borndby, inkastoo xidigaan uusan ku faraxsaneen ka tagitaanka Anfield Road.
“Liverpool waa qeyb ka mid ah nolosheyda inaan ka tago aad ayey dhib iigu tahay” ayuu yiri Agger oo la hadlay website-ka kooxda Liverpool.
“Fursada aan ku helay inaan dib ugu laabto kooxdeydii hore waa go’aan sax ah” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Daniel Agger ayaa u mahad celiyay maamulka, ciyaartoyda iyo Jamaahiirta kooxda Liverpool kuwaas oo la shaqeeyay 8-dii sano oo uu ku sugnaa Anfield.
Ugu dambeyntii Daniel Agger ayaa macsalaameeyay kooxdiisa wuxuuna si rasmi ah ugu laabtay Brondby oo ah kooxdii ay Liverpool horay kaga soo xerogalisay.