Daafaca Barcelona iyo Xulka Faransiiska Jeremy Mathieu ayaa dhaawac ku seegaya kulanka lugta hore semi finalka koobka horyaalada yurub ee ay la ciyaari doonaan Bayern Munich.
Daafacan dhexe ayaa raaxo daro dareemay tababarkii shalay oo isniin aheyd, taasna waxey la micno tahay inuusan taam u aheyn kulanka Bayern ee Camp Nou ka dhici doona.
Maqnaashaha xidigaan heerka caalami wuxuu ka dhigan yahay in Marc Bartra iyo Mascherano midkood ay daafaca dhexe kula midoobi doonaan Gerard Pique.
Si kastaba daafacaan dhawaan kusoo biiray Barcelona ayaa miisaan culus ku yeeshay kooxda Luis Enrique sidoo kalana ma jiro xidig kale oo dhibaateysan.
Ugu dambeyntiina Rode iyo Ribery ayey aheyd in goor dhaw ay Bayern Ku dhawaaqday iney seegayaan kulanka habeen dambe xili ay horay Alaba, Badstuber iy Robben uga maqnaayeen.