Kooxda Inter Milan ayaa shaaca ka qaaday inay si toos ah ula wareegtay milkiyada weeraryahankeeda Mauro Icardi.
Inter kaliya waxay hore u laheed 50% milkiyada weeraryahankan dhalinta yar balse haatan gabi ahaanba Inter xuquuqda xidigan si toos ah ayay kaga iibsatay naadiga Sampdoria oo horey u laheed kala bar milkiyada wiilkan dhalinta yar, Mauro Icardi xili cayaareedkii hore ayuu Inter kusoo biiray wuxuuna u dhaliyay 9-gool asigoo u saftay 22-kulan madaama uu yahay xidigan dhalin yar sidoo kalena kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leh waxay Inter go’aan ku gaartay inay si toos ah milkiyadiisa ula wareegto.
21-jirkan tayada wanaagsan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in mustaqbalkiisa uu haatan meel u dhacan wuxuuna u mahad celiyay maamulka Inter Milan sidoo kalena wuxuu wacad ku maray kooxdan faca weyn inuu guulo gaarsiin doono xili cayaareedka dambe, Mauro Icardi bilihii ugu dambeeyay wuxuu ahaa shaqsiga ugu hadal heynta badan dalka Talyaaniga madaama saaxiibkiisii qaaliga ahaa Maxi Lopez madaama uu xaaskiisii u daba mareeyay balse dhawaan ayuu caalamka kasii yaabiyay kadib markii Icardi uu dalka Argentina kula aqal galay Wanda Nara oo ahayd xaaskii saaxiibkiis Maxi Lopez wuxuuna ku muteestay go’aankii uu Wanda Nara kula aqal galay dhaliil badan oo ay usoo jeediyay dad badan oo kubada cagta magac ku leh.