Goolhayaha xulka Spain iyo kooxda Liverpool Pep Reina ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga Bayern Munich wuxuuna Reina mustaqbalkiisa cayaareed kasii wadan doonaa Bundesligaha Jarmalka, Reina ayaa qalinka ku duugay heshiis 3-sano ah waxayna Bayern ku iibsatay goolhayahan waaya araga ah 3-milyan oo euro ah.
31-jirkan ayaa ka aqbalay dalab uu macalin Pep Guardiola usoo diray sidoo kalena Reina ayaa aqbalay inuu goolhaye labaad Bayern ka noqdo madaama Manuel Neuer uu yahay goolhayaha kowaad ee Bayern.
Masuulka ugu sareeyo Bayern Karl-Heinz Rummenigge ayaa si rasmi ah saxaafada ugu sheegay imaanshaha Reina wuxuuna goolhayahan noqday laacibkii 4-aad ee Bayern ku sugan kaasi oo Spanish ah waxaana kooxda horey ugu sugnaayeen xidigaha kala ah uan Bernat, Javi Martínez and Thiago Alcántara.
Profile